Baladweyne (Radio Beerlula)- Nottingham Forest ayaa saddexda dhibcood ka qaaday kooxda Liverpool oo soo booqatay, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Nottingham Forest iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 55-aad kooxda martida loo ahaa ee Nottingham Forest ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay weeraryahankooda Taiwo Awoniyi
Ugu dabeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Nottingham Forest, kooxda Liverpool oo marti u ahayd, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka The Nottingham Forest.