Numberka Uu Ryan Gravenberch U Xiranayo Liverpool & Waqtiga Uu Reds U Ciyaarayo

0
117

Baladwayne (Radio Beerlula )-Liverpool ayaa ku guuleysatay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bayern Munich Ryan Gravenberch iyagoo ku iibsaday lacag gaareysa 45 milyan euro.

Xiddigaan ayaa caawa u duulaya Liverpool isagoo berri subax oo Jimce ah loo balamiyay inuu maro tijaabada caafimaadka, wuxuuna qalinka ku duugi doonaa hishiis shan sannadood ah.

Saxiixa Gravenberch ayaa si rasmi ah loo dhameystiri doonaa berri oo Jimce ah oo uu soo xirmayo suuqa kala iibsiga xagaaga ee kooxaha Yurub, laakiin lama filayo inuu ku soo bilaaban doono kulanka ay Reds ay la ciyaareyso Aston Villa maalinta Axada.

Xiddiga reer Holland ayaa kaliya hal kulan bedel ku soo galay xilli ciyaareedkan, sidaasi darteed waqti ku filan uma heli doono inuu tababar la qaato Reds ka hor kulanka Axada ee kooxda Unai Emery.

Waqtiga ugu haboon ee uu kulankiisa ugu horeeya u safan karo Liverpool waa ka dib ciyaaraha caalamiga markaasoo Reds ay u safreyso Wolves 16ka bisha September.

Gravenberch ayaa u xirnaa kooxda Bayern Munich maaliyada No.38, waana maaliyad uu u doortay sabab muhiim ah madaama ay aheyd maaliyadiisii ugu horeysay ee markii uu xirfadle ku noqday Ajax.

Si kastaba, intii uu Ajax joogay wuxuu inta badan xirnaa maaliyada No.8 balse maaliyadaas waxaa xilli ciyaareedkan Liverpool u xiran Dominik Szoboszlai.

Xulka qaranka Netherlads, wuxuu Ryan Gravenberch u xirtay maaliyado kala duwan oo ay ku jiraan 20, 14 iyo 16, iyadoo labada lambar ee ugu danbeysay aysan jirin cid heysata haatan Liverpool.

Maaliyada No.14 ayaa noqon karta mid soo jiidata Ryan Gravenberch madaama ay soo xirteen xiddigihii Liverpool magaca ku sameystay ee Jordan Henderson, Xabi Alonso iyo Jan Molby.

Marka dhanka Holland laga eego waa lambarkii halyeeyga dalkaas ee Johan Cruyff.

Lambarada ugu tirada yar ee ka banaan kooxda Liverpool waa 12, 14, 15 iyo 16.