Oday canug si khaldan ugala baxay meel caruur lagu xanaaneeyo oo ku taalla Australia

0
146

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa la bilaabay baadhitaan ka dib markii oday awoowe ah uu si qalad ah goob carruurta lagu xanaaneeyo, uga qaatay ilmo khaldan, magaalada Sydney, Australia.

Ninka ayaa yimid si uu u soo kaxeeyo, wiilka uu awoowga u yahay oo ku jiray xarunta First Steps Learning Academy ee xaafadda Bangor, koonfurta magaalada, galabnimadii Isniinta.

Laakiin wuxuu si qalad ah u kaxaystay oo guriga u geytstay ilmo kale oo oo hurday, qol ka mid ah qolalkii goobtaas carruurta lagu xannaaneeyo.

Qaladkan ayaa sooo baxay kaddib markii hooyada ilmahaasi dhashay ay timid xarunta oo ay ogaatay in cunuggeeda sannad-jirka ahaaa aanu Meesha joogin, sida ay warisay Sydney Morning Herald.

 

Odayga ilmaha qaatay xaaskiisa ayaa warbaahinta gudaha ee Sydney Morning Herald, u sheegtay in saygeedu ka xun yahay sida waxa u dhaceen, uuna qirsan yahay khaladka ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here