Ololaha ciribtirka cudurka dabeysha oo laga daah furay Hargeysa

0
105

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa laga daah furay wajiga koowaad ee ololaha ciribtirka cudurka dabeysha kaasoo socon doonaa muddo afar maalmood ah iyadoona laga fulin doono ololaha guud ahaan deegannada Somaliland.
Munaasabadda lagu daah furayay ololahan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka Somaliland, xubno ka socda hay’addaha WHO, UNICEF, bahda caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey