Baladweyne ( Radio Beerlula )-Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa maanta si rasmi ah looga daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyinka Qaranka .
Waxaa ka qeybgalay furitaanka ololahan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ,xubno kamid ah Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo waliba mas’uuliyiin ka socday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
waxa soo jeedinaya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin


