Ololaha isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud oo ka socda magaalada Muqdisho.

0
378

Baladweyne(Radio Beerlula)- Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda  ololaha isxilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha danta guud sida Tiyaatarka qaranka, maktabada qaranka iyo xarumo kale.

Ololaha oo inta badan ay ka qeyb qaatan shaqaalaha wasaaradaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Shaqaalaha wasaaradda  shaqada  iyo arimaha bulshada ayaa markii 7-aad markale ka qeyb galay ololaha isxilqaan oo ka socda maktabada qaranka.

Agaasimaha waaxda shaaqalaha iyo wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada  Saciid Aadan Mire ayaa tilmaamay in ay farxad utahay in shaqalahoda uheelan yihiin sidii dib loogu soo celinlahaa bilicda xarumaha danta guud.

Agaasimaha guud ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada  Soomaliya Maxamed Cabdi Muqtaar ayaa shegay in dhawan lasoo gaba,gabeyndoon barnamijka is xilqaan ayaa sheegay in ay mudantahay in dhismaha dalka loo huro maal iyo muruq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here