Baladwayne ( Radio Beerlula )-wasaarada shaqo galinta arimaha bulshada ee gobolka Sanaag oo kaashaneysa hay’addaha NAGAAD iyo CARE ayaa magaalada Ceerigaabo kusoo gabagabeysay 16-kii cisho ee wacyi-galinta tacadiyada ka dhanka ah Haweenka iyo dadka nugul.
waxa ka qeyb galay munaasbada lagu soo xirayey 16-kii cisho ee wacyi-galinta maamulka gobolka Sanaag mas’uuliyiin katirsan wasaarada shaqo galinta arimaha bulshada ee gobolka Sanaag iyo madax katirsan Hay’addaha NAGAAD iyo CARE.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.