Olole dadka waa weyn wax lagu bari doono iyo iskuullo laga hirgelinayo gobolka Hiiraan.

0
168

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono olole dadka waa weyn lagu barayo xisaabta iyo qoraalka iyo akhriska farta Somaaliga.

Ololahan dadka waa weyn wax lagu bari doono ayaa waxaa ka qeyb qaadan doonaa ardeyda jaamacaddaha iyo kuwa dugsiyadda sare sida u sheegay wasiirka waxbarashadda Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey