Olole dhirta looga jarayo dhul loogu tala galay garoon diyaaradeed oo laga bilaabay degmada Afmadow

0
150

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shacabka degmada Afmadow oo kaashanaya maamulka degmada Afmadow ayaa wada dedaalo ay dhirta uga jarayaan goob laga hirgelin doono Garoon Diyaaradeed oo ay Afmadow yeelan doonto.

Shacabka isxilqaamay ayaa geed qaaday dhul dhan 3km oo kamida goobta loogu talagalay in laga hirgiliyo garoonka diyaaradaha Afmadow waxana ay bulshada u dhalatay deegaanka dowlad goboleedka jubaland iyo dowlada federaalka soomaaliya ka codsadeen in ay kala qeyb qaataan hirgilinta Garoonka diyaaraha Afmadow.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.