Olole geed beeris ah oo ka bilaabatay dalka Itoobiya

0
338

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guud ahaan dalka Itoobiya waxaa maanta ka socdaa olole ballaaran oo lagu beerayo 200 milyan oo geed, waxaana howshaas garwadeen ka ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Abiy Axmed ayaa saaka geedo ku beeray garoonka diyaaradaha Arbaminch ee ku yaalla dalkaas.

Dadweynaha kala duwan ee Itoobiya ayaa maanta ka qeyb qaadanayaa beersita geedaha guud ahaan shacabka ku nool deegaannada kala duwan ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu bilaabay ololaha wacyigelinta ah ee lagu ilaalinayo deegaanka si loo beero dhir badan.

Waxaa uu farriin u diray shacabka si ay dhammaantooda ugu qeyb qaataan la dagaalanka isbaddallada cimilada si loo beero geedo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here