Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baydhabo ayaa laga sameeyay Ololahan oo ujeedkiisu yahay kor u qaadista wacyiga Bulshada Baydhabo ee ku aaddan ilaalinta Deegaanka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xakamaynta iyo joojinta adeegsiga bacaha balaastikada ah taasoo si weyn waxyeello ugu haya deegaanka.
Ololeyaashan nadaafadeed iyo wacyigelineed ayaa laga sameeyey wadooyinka Xaafadaha Magaalada Baydhabo oo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada KGS wado.
Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan


