Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ololahan nadaafadeed oo uu hormuudka u ahaa gudoomiyaha fayadhowrka degmada Afmadow Cabdi Cali Xarbi ayaa qashinka looga nadiifinayay wadooyinka iyo gooba qashinka la geeyo si sare loogu qaado bilicda degmada loogana fogaado cuduro iyo nadaafad darro ka dhalata qashinka lagu daadiyo wadooyinka iyo xaafadaha degmada.
Gudoomiyaha faayadhowrka degmada Afmadow Cabdi Cali Xarbi ayaa bulshada degmada Afmadow ugu baaqaay in qashinka lageeyo goobaha loogu talagalay cidii u hogaansami weyda awaamiirta maamulka uu sheegay in ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad