Osimahen Oo Qish Culus Ka Bixiyay Mustaqbalkiisa

0
117

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sida uu sheegayo wargeyska Bild, weeraryahanka kooxda Napoli ee Victor Osimahen ayaa lagu arkay huteelka Adlon Kempinski ee magaalada Berlin taas oo dabka kusii shidaysa wararka la xidhiidhinaya Bayern Munich.

Wargeyska ayaa sheegaya in saaxiibta Osimahen oo lagu magacaabo Stephanie Ladewig asal ahaana kasoo jeeda Germany ay doonayso inay dalkeeda tagto kaddib mudo ay ku noolayd Talyaaniga taasina caawin karto Bayern.

Madaxweynaha Napoli ee Aurelio De Laurentiis ayaa dhawaan war cad kasoo saaray mustaqbalka Osimahen isaga oo yidhi “Osimahen iyo Kvaratskhelia ma tagayaan, lama taaban karo iyaga”.

Si lamid ah Bayern Munich, 24 sano jirka Nigerian-ka ah ayaa looga gacan haadinayaa horyaalka Premier League waxaana xiisaynaya kooxo ay ugu horreeyaan Chelsea iyo Manchester United.

Xalay ayay ahayd markii saxafiga xog-ogaalka ah ee Fabrizio Romano daboolka ka qaaday in Napoli iibka Osimahen ku doonayso kaliya 150 Milyan oo euro iyo wax ka badan.

Lacagtaas ayaa la filayaa inay dib u dhigto hanka kooxo badan oo doonaya saxeexa Osimahen gaar ahaan Bayern oo aan looga baran bixinta lacagaha noocaas ah.