Baladweyne(Radio Beerlula)- Pakistaan ayaa si rasmi ah dib ugu furtay hawadeeda diyaaradaha rayidka dalkaas ku dhawaad shan bilood oo ay hawada xirneyd markii uu khilaaf soo kala dhexgalay dalka deriska ay yihiin ee Hindiya.
Xiritaanka hawada ayaa waxay shirkadaha duulimaadyada Hindiya ku khasabtay inay adeegsadaan malaayin doolar si diyaaradahooda meelo kale ay u mariyaan.
Shirkadda ay dowladda leedahay ee Air Hindiya ayaa waxaa soo gaaray khasaaraha ugu weyn.
Pakistaan ayaa hawadeeda ka xiratay diyaaradaha Hindiya kaddib markii Hindiya ay qaadday howlgal ay ku tilmaantay mid lagu duqeynayo xeryaha argagixisada ee Balakot.
Weerarka Hindiya ayaa waxaa uu ahaa mid ay uga falcelinayeen weerarkii lagu dilay ciidammadeeda oo gaarayay in ka badan 40 oo ku sugnaa gobolka Kashmiir.