Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Pakistan ayaa qorshaynaysa inay sharciyeyso isticmaalka lacagaha cryptocurrency, taas oo qayb ka ah dadaalka ay ugu jirto soo jiidashada maal-gashadayaasha caalaamka.
Sida uu xaqiijiyay Madaxa Golaha Cryptocurrency ee Pakistan, Bilal bin Saqib, iyadoo dowladdu wa diyaarisay shuruuc cad oo lagu maamulayo ganacsiga lacagaha dhijitaalka ah.
Go’aankan ayaa wuxuu ku soo beegmay xilli wadamo badan ay aqbalayaan cryptocurrency, halka kuwo kale ay xitaa qorshaynayaan inay keydsadaan.
Pakistan waxay leedahay suuq kobcaya oo ay 60% dadkeedu yihiin da’yar ka hooseeya 30 sano, taasoo fursad weyn u ah koboca dhaqaalaha dhijitaalka ah.
Horaantii bishan Donald Trump ayaa sameeyay qorshe cusub oo ah in wadankiisu kayd qaran u sameeyo lacagaha Crypto-da, taas oo keentay in dalal badan ay xoojiyaan siyaasadooda ku saabsan lacagaha dhijitaalka ah (cryptocurrency).
Pakistan waxay rajaynaysaa in sharciyeynta cryptocurrency ay fududeyn doonto maalgashiga ajnabiga, islamarkaana ay dhiirrigelin doonto hal-abuurka ganacsiga dijitaalka ah.


