Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeyga reer Nigera ee Nwankwo Kanu ayaa sheegay in kooxdiisii hore ee Arsenal ay u baahan tahay inay iska xoojiso boos kasta oo garoonka ah ka hor inta aanay kusoo laabanin garoomada xilli-ciyaareedka dambe oo ay ka qayb-geli doonto tartanka Champions League oo ay muddo lix sannadood ah ka maqnayd.
Arsenal oo kaalinta labad kaga jirta horyaalka Premier League oo Arbacadii ay Man City kala wareegtay booska koowaad, ayaa waxay mar horeba xaqiijisatay booskeeda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, iyadoo ka maqnayd wixii ka dambeeyey xilli-ciyaareedkii 2-15/16.
Kanu oo khibrad badan u leh tartanka Champioins League oo uu laba sannadood oo isku xiga finalka tegay waqtigii uu u ciyaarayay Ajax, isla markaana uu la qaday sannadkii 1996kii, ayaa waxa uu sidoo kale ka mid ahaa xiddigihii Arsenal ee lagu naanaysi jiray ‘Invincibles’ ee iyaga oo aan halmaar laga badinin ku guuleystay horyaalka Premier League sannadkii 2004.
“Haddii ay kooxdau sidan iskugu dhannaato oo lagu soo kordhiyo ciyaartooyo khibrad leh, waxay ahaan doonaan kuwo tartama oo waliba korriin sameeya.
“Hadda waad arki karaysaan in marka ciyaartoy kuwa joogtada ah uu toddobaadyo maqnaado sida William Saliba, in kooxdu gelayso xaalad adag.”
Nwankwo Kanu ayaa waxa uu magacaabay afarta ciyaartoy ee uu doonayo inay Arsenal sii joogaan sannadaha badan, kuwaas oo uu u arko in ay yihiin xiddigaha wada kooxda, waxaanu yidhi: “Waxa aan rajaynayaa in kooxdan ay sii wadan doonaan ciyaartoyda hibada badan, sida Ramsdale, Gabriel, Odegaard iyo Saka. Waa ciyaartooyo da’yar oo hibadoodu sarrayso, waanad arkaysaa sida heerka sare ah ee ay kooxda ugu ciyaarayaa.”