Paris Saint-Germain iyo Mauricio Pochettino oo ku heshiiyay in ay laba wado kala qaadaan

0
151

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda Paris Saint-Germain iyo tababaraha reer Argentina ee Mauricio Pochettino ayaa ku heshiiyay in la burburiyo heshiiska ka dhexeeyay.

Wargeyska The Athletic ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la burburiyo heshiiskii u dhexeeyey.

Paris Saint-Germain ayaa isku diyaarinaysaa magacaabista tababarihii ay ku beddeli lahaa, waxaanay wada-xaajoodyo kula jiraan halyeyga reer France ee Zinedine Zidane oo mar la sheegay in uu u duulay waddanka Qatar oo uu heshiis kula soo gelayo kooxda.

Qandaraaska tababaraha Argentina ee PSG wuxuu dhacayaa xagaaga 2023, isagoo la ogyahay inuu qabtay shaqada horaantii Janaayo 2021.

Pochettino ayaa PSG u qaaday horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii tegay, hase yeeshee waxay meel xun kaga hadheen Champions League oo wareeggii 16ka ay Real Madrid ku garaacday iyaga oo haysta xiddigaha ugu wanaagsan dunida.