Paris Saint-Germain oo ku dhow inay la saxiixato Zidane

0
174

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababarihii hore kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayeey wararku sheegayaan inuu aad ugu dhawyahay inuu qabto shaqada macalinimo ee kooxda Paris Saint-Germain.

Wargeyska Mundo Deportivo ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, in Zidane uu ku sugnaan doono caasimadda Qatar ee Doha, berri oo Sabti ah, si uu ula kulmo milkiilayaasha kooxda Paris loona dhameystiro heshiiska.

Wararka ayaa waxay intaas ku dareen in wada xaajoodka Zinedine Zidane iyo kooxda Paris Saint-Germain ee soo bilaabmay bishii November ee la soo dhaafay, uusan wali joogsan tan iyo taariikhdaas.

Wargeyska ayaa tilmaamay in Zidane uu noqon doono tababaraha ugu mushaarka badan adduunka, laakiin qodobkan dhaqaale caqab kuma ahayn wada xaajoogka tababaraha Faransiiska.

Warbixintan lagu daabacay  Wargeyska Mundo Deportivo ayaa lagu xaqiijiyay in Zidane uu ogolaaday in uu qabto shaqada kooxda PSG kadib markii la fuliyay dalabaadkiisii ugu muhiimsanaa ee ahaa in Kylian Mbappe uu heshiis cusub u saxiixo ilaa xagaaga 2025-ka iyo in uu shaqada ka cayriyo agaasimaha ciyaaraha kooxda Leonardo Araújo.