Paul Pogba Oo Laga Ceyrinayo

0
68

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport, Juventus ayaa heshay kiis aad u xoogan oo lagu kansalayo heshiiska Paul Pogba, sababtoo ah waxaa la sheegay in uu qaatay dawo isaga oo aan ogeysiin shaqaalahooda caafimaadka, taas oo keentay in tijaabada isticmaalka dawooyinka mamnuuca ah uu ku dhaco.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa laga helay heerar sare oo testosterone ah baaritaanka dhiigga ee la qaaday ka dib guushii 3-0 ee Seri A ee ay marti ugu aheyd Udinese  20kii Agoosto, ciyaar uu ku qaatay gabi ahaan kursiga keydka.

Waxaa la baarayaa dhiigii labaad ee laga qaaday maalintaas si loo xaqiijiyo natiijada laakiin uma muuqato inuu Paul Pogba ka badbaadayo arintaan.

La Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay inuu kooxda u sheegay inuu qaatay fiitamiino intii uu ku sugnaa Maraykanka xagaagii, kaas oo uu kula taliyay saaxiibkii oo ka shaqeeya dawooyinka, laakiin ma uusan  kala tashanin shaqaalaha caafimaadka Juventus.

Waa dhayalsi aad u weyn uu sameeyay Pogba sababtoo ah maadooyinka ku jira fitomiinada lagu sameeyo Mareykanka waxaa sharci ahaan ka dabacsan kuwa Yurub, waxayna sababaan in testosterone-ka uu sarre u kaco, dhowr jeerna waxay sababeen in ciyaartooy badan ay ku dhacaan baaritaanka.

Ka dib markii kiisas badan la helay, waxay dhakhaatiirta Juventus iyo ciyaartoyda isku raaceen inay isla eegaan wax walba oo ay qaadanayaan si loo hubiyo inaysan ku jirin maadooyin la mamnuucay.

Haddii Pogba uu qirto inuu qaatay fitomiinkaan isagoo aan kala tashan shaqaalaha caafimaadka, Juventus waxay heleysaa kiis aad u xoog badan si ay isaga kaliya eeda dusha uga saaraan una kansalaan qandaraaskiisa.

Marka la eego dhibaatooyinka dhaawacyadiisa joogtada ah iyo mushaharka badan ee uu qaato, waxay Juventus u aragtaa marmarsiiyo ay uga takhalusi karaan ciyaaryahanka.

Xataa haddii uu caddeeyo in aanu si badheedh ah u qaadanin fitomiinkaan, ganaaxiisa wuxuu gaari karaa ilaa iyo labo sannadood.