Pep Guardiola Oo Ku Guuleystay Saxiixa Xiddig Lagu Tilmaamay Lionel Messi-ga Cusub

0
286

Baladweyne(Radio Beerlula)-Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya in isbuucaan la dhameystiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee mucjisada ah ee kooxda Valez Sarsfield iyadoo ciyaaryahankaan ay da’diisa tahay 18 sanno jir.

Almada ayaa isna doonaya inuu ku biiro kooxda heysata horyaalka Premier League inkastoo ay kooxo kale xiiseynayaan. Laakiin marka uu soo wareego waxaa amaah sannad ah lagu siin doonaa kooxda Sporting Lisbon

Man City ayaa dooneysay inay Almada u diraan kooxda Girona ee dalka Spain, laakiin kooxdaan ayaa ka dhacday horyaalka La Liga, sidaasi darteed Portugal ayaa ah wadada kale ee u furan.

Qaab ciyaareedka da’ yarkaan ee kooxdiisa ayaa aheyd mid cajiib ah taasoo keentay in Guardiola uu xiiseeyo.

City ayaa aaminsan inay u baahan yihiin inay la wareegaan Almada haatan halkii ay sugi lahaayeen oo ay halis gelin lahaan in suuqa kala iibsiga ay ka ganaaxdo FIFA.

Kooxda Velez ayaa isku dayaysa inay Almada ka saxiixdo qandaraas cusub oo ay ku kordhiyaan lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa, laakiin ilo ku dhow ciyaaryahanka ayaa sheegaya inuu qalbiga gashaday inuu u wareego Manchester.

City ayaa bilaabeysa inay xiriir fiican la yeelato Sporting Lisbon kuwaasoo u soo bandhigi kara ciyaartoyda da’da yar inay helaan waqti ay ku ciyaaraan ka hor inta aysan diyaar u noqonin kooxda heysata horyaalka Premier League.

Almada ayaa lagu qiimeeyaa inuu yahay da’ yarka ugu tayada fiican dalkiisa Argentina, waxaana awoodiisa farsamo ay keentay in lala barbardhigo xiddiga Barcelona ee Lionel Messi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here