Pep Guardiola Oo Manchester City Ka Doonaya Xiddigii Erik Ten Hag Iyo Man United U Waasheen

0
132

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababare Pep Guardiola ayaa wali suuqa ugu jira saxeexa khad dhexe oo cusub kaddib bixitaanka kabtankiisii Ilkay Gundogan oo Barcelona ugu biiray.

Baadhista khad dhexe ee Pep ayaa gashay isla Barcelona isagoo isha ku haya Frankie De Jong oo mudo dheer bartilmaameed u ahaa kooxda ay magaalo-xifaaltamaan ee Man United.

Image

Man City ayaa soo afmeertay isku daygeedii saxeexa kabtanka West Ham United ee Declan Rice oo 105 Milyan oo pound ugu wareegaya Arsenal waxayna haatan suuqa ka eegaysaa dookhyo kale.

Sida uu sheegayo haatan wargeyska The Sun, Pep Guardiola ayaa isku haya oo aan wali go’aan ka gaadhin haddii uu dalab rasmi ah ka geynayo Frankie iyo haddii kale.

De Jong ayaa isagu shaqsiyan marar badan si cad warbaahinta ugu sheegay rabitaankiisa ah inuu Barcelona sii joogo xilli ay kooxdu u muuqato mid dib isula heshay kaddib guushoodii La Liga ee xilli ciyaareedkii tagay.

Si kastaba, xaalada dhaqaale ee adag ee Barcelona ayaa ka dhigan in ciyaartoy badani kooxda ka baxayaan kahor inta aan kuwo kale la keenin taas oo sababi karta in xiddiga Dutch-ka ah laga diro Camp Nou.

Man United ayaa u muuqata mid aan suuqan ku laaban karin tartanka saxeexa De Jong maadaama oo ay dhaqaale ahaan xadidan tahay lacagta ay haysataa.

Saxeexa Mason Mount oo ay dhawaan kala heshiiyeen Chelsea ayaa loo arkaa mid wanaagsan balse sidoo kale wuxuu yareeyay lacagta ay suuqa ugu talo galeen.