Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa sheegay in dhibaato ‘aad iyo aad u weyn’ uu ku jiro ka hor ciyaarta qasab-ku-guuleyso ee horyaalka Premier League ee Luton Town ee Sabtida, taas oo sidoo kale ay ugu xigayso Real Madrid oo Arbacada ay lugta labaad wada dheeli doonaan.
Pep Guardiola ayaa sheegay in uu madax-xanuun ka haysto xulashada ciyaartoydiisa ka hor kulanka Sabtida sababtoo ah waxa uu u baahan yahay in uu ka guuleysto Luton Town, isaga oo nasinaya ciyaartoydiisa muhiimka ah oo uu usii dhiganayo ciyaarta Real Madrid ee lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League.
Manchester City oo kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalka Premier League oo hal dhibic ka dambaysa Arsenal iyo Liverpool oo min 71 dhibcood haysta, ayaa waxa Guardiola uu walaac ka muujinayaa Rodri oo 3,497 daqiiqadood ciyaaray xilli-ciyaareedkan, isla markaana uu rumaysan yahay in uu labada kulanba u baahan yahay.
“Rodri waxa uu u baahan yahay nasiimo, laakiin waynu eegaynaa sida aanu uga wada-hadalno, sida ay xaaladdu noqoto iyo mararka qaarkood waxa la samayn karayo.” Ayuu yidhi Pep Guardiola.
Waxa uu intaa ku daray: “Haddii aad haysato ciyaartoy aan doonayn in uu ciyaaro, waxay ka dhigan tahay in aanu ciyaarayn, waxa aan u baahanahay in aan nasiyo ciyaartoyda difaaca dhinacyada, laakiin John Stones iyo Kyle Walker ayaa nagaga dhaawacmay ciyaarihii saaxiibtinimo ee xulalka markaa ma aanaan nasinin, waxaananu ku jirnaa dhibaato aad u weyn.”
Manchester City ayaa la filayaa in Sabtida ay ka maqnaadaan Walker iyo Nathan Ake, balse Phil Foden oo ay jug kasoo gaadhay ciyaartii Real Madrid ayaa la filayaa in uu taam noqdo, halka goolhaye Ederson uu taam yahay oo uu diyaar u noqonayo kulamada Luton iyo Real Madrid.