Pep Guardiola Oo Taleefan Kula Xidhiidhay Neymar

0
79

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxa cirka isku sii shareeraya marba marka xigta musaqbalka garabka Paris Saint-Germain ee Neymar Jr kaas oo si weyn loo saadaalinayo inuu suuqa soo socda iskaga hayaami doono caasimada France lix sano kaddib.

Neymar oo heshiiskiisa kooxdu ilaa 2027 gaadhsiisan yahay ayuusan fiicnayn xidhiidhka kala dhaxeeya jamaahiirta iyo maamulka kooxdiisa labadaba.

Iyadoo lala xidhiidhinayo kooxah Manchester United iyo Chelsea loona arko kuwa ugu haboon ayuu tababaraha Man City ee Pep Guardiola toddobaadkan la xidhiidhay Neymar sida lagu qoray wargeyska French-ka ah ee L’Equipe.

Wargeyska ayaa intaas ku daraya in heshiiska uu Neymar ugu wareegi karo kooxda kusoo guuleysatay Premier League wali fursadiisu tahay mid aad u hoosaysa.

31 sano jirkaas ayaa la filayaa inuu dhammaadka xagaaga kusoo noqdo tababarka PSG isagoo dhaawac canqawga ah ku dhibtoonayay bilihii ugu dambeeyay oo dhan.

Qaybta uu xilli ciyaareedkan ka ciyaaray ayuu 20 kulan oo horyaalka ah 13 gool kusoo dhaliyay isagoo kooxda kasoo caawiyay inay horyaalkeedii 11-aad ee Ligue 1 ah soo hanatay.

Image