Pep Guardiola Oo Wacad Ku Maray Inuu Ciqaabayo Real Madrid

0
62

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guardiola ayaa cadeeyay in ciyaartoydiisa Man City ay u baahan yihiin inay ciqaabaan kooxda Real Madrid fursad kasta oo ay heleen kulanka adag ee lugta hore ee wareega 8da Champions League ee caawa ka dhacaya Bernabeu.

City ayaa xilli ciyaareedkii hore Real Madrid ku garaacday wadar ahaan 5-1 semi-finalkii Champions League ka hor inta aysan finalkii koobka ka qaadin Inter Milan.

Guardiola ayaa doonaya ku celiskii ciyaartaas iyadoo kooxdiisa ay dooneyso inay difaacato koobka Champions League.

“Waxaan dareemeynaa inaan xooganahay, kalsooni ayaan qabnaa laakiin waa inaan mar hore 90ka daqiiqo ku ciyaarno Bernabeu, iyadoo sababo darteed ay ciyaarta waqti dheer ku tahay halkaan” ayuu yiri Pep Guardiola.

“Waa qasab inaan isku dayno inaan dhaawacno iyaga, inaan ciqaabno, inaan dareensiino inaan halkaan u joogno inaan goolal dhalino. Inaan Real Madrid u garaacno qaab isku mid ah labo jeer oo isku xigta suurtogal ma ahan. Qaladaadkoodii waxbeey ka barteen, waxayna leeyihiin sharaf ay difaacanayaan.”

Carlo Ancelotti ayaa sheegay shirkiisii jaraa’id ee ka hor ciyaartaan in sababtoo Real Madrid looga badiyay xilli ciyaareedkii hore inay aheyd in kooxdiisa ay liidatay.

Laakiin Guardiola ayaa hadalkaas diiday, isagoo ku adkeystay in Man City ay garaacday koox adag oo Real Madrid ah.