Pep Guardiola Oo War Weyn Kasoo Saaray Aflagaaddadii Jude Bellingham U Geystay Garsoore Jose

0
255

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Pep Guardiola ayaa muujiyay inuusan wax jaxaan jax u muujineyn xaaladda Jude Bellingham iyo Real Madrid kadib markii laacibka khadka dhexe casaan loo taagay kulankii LaLiga sababo la xiriira aflagaaddo, isagoo sheegay in garsoorayaasha “la nabad geliyo.”

Bellingham ayaa dhaliyay goolka guusha kulankii ay Madrid 3-2 kaga badisay Manchester City wareegii bug-baxa Champions League ee ka dhacay Etihad todobaadkii hore, waxaana la filayaa inuu mar kale wajaho kooxda Guardiola Arbacada, iyadoo muran ka taagan yahay casaankiisii kulankii Osasuna Sabtidii.

Bellingham iyo Madrid ayaa sheegay in xiddiga reer England uu garsoore José Luis Munuera Montero ku yiri “f— off” halkii uu ka oran lahaa “f— you,” taasoo la rumeysan yahay inay tahay sababta loo siiyay casaanka.

Madrid ayaa si adag u dhaleeceysay go’aanka, hase yeeshee xiriirka kubadda cagta Spain ayaa cambaareeyay “weerarada iyo aflagaaddada” lagu qaaday garsooraha kadib dhacdadaas.

Isagoo ka hadlayay Madrid Talaadadii ka hor kulanka Champions League, tababarihii hore ee Barcelona Guardiola ayaa sheegay inuusan u arkin in turjumaadda ereyadan ay muhiim u tahay dhacdadan.

“Ingiriisigeygu waa fiican yahay, laakiin ma fahmo farqiga u dhexeeya ‘f— off’ iyo ‘f— you,’” ayuu yiri Guardiola. “Laakiin waxa muhiimka ah waa niyadda laga leeyahay ereyada, ee ma ahan ereyada la sheegayo. Waxa ugu wanaagsan waa in aan la oran wax aflagaaddo ah garsoorayaasha oo nabad lagu daayo.”

“Go’aanno noocaan oo kale ah mar walba waa jireen. Waa inaad weydiisaan Jude waxa uu ula jeeday. Taasi waa waxa muhiimka ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here