Philippe Coutinho Oo Isaga Dhaqaaqay Premier League & Waayihiisa Yurub Oo Soo Dhamaaday

0
147

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xiddiga reer Brazil Coutinho ayaa ka tagay maanta horyaalka Premier League iyo kooxda Aston Villa isagoo ku biiray kooxda heysata horyaalka Qatar ee Al Duhail.

Coutinho oo waayihiisa ciyaareed uu dhulka galay tan iyo markii uu ka tagay Liverpool ayaa hishiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu wareegay kooxda Al Duhail.

Kooxda reer Qatar ayaa boqolkiiba 100 bixin doonta mushaharkiisa taasoo dan weyn u ah kooxda Aston Villa oo meel isaga yeeshay mushaharkiisa madaama uusan qeyb ka aheyn shaxda kooxda ee xilli ciyaareedkan.