Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa ku faraxsan in kooxdii uu ka baxay ee Liverpool ay xilli ciyaareedkan kusoo guuleysatay UEFA Champions League oo ahaa tartan uu hanashadiisa ku hammiyi jiray sidaa waxa qaba Neil Mellor oo hore Reds ugu soo dheelay.
Coutinho ayaa Liverpool ka baxay bishii January ee 2018 waxaana uu heshiis ku qabsoomay 142 Milyan ugu biiray Barcelona balse tan iyo wakhtigaas ayuusan marnaba ku xasilin kooxdiisa cusub.
Taa bedelkeeda kooxda Jurgen Klopp ayaa wanaag ka qaaday bixitaanka Coutinho waxayna gaadheen laba tartan Final Champions League oo ay midkii xilli ciyaareedkan kaga guuleysteen Tottenham.
Liverpool ayaa kooxda Coutinho ee Barcelona kaga guuleysatay wareega afar dhammaadka Champions League waxaana ay kasoo kabteen guuldarro 3-0 ah oo lugtii hore ah iyaga oo isku darka 4-3 kaga adkaaday.
Marka laga yimaado inuu weydaartay guushaas ay kooxdiisii hore gaadhay, Haddana Philippe ayaa ku faraxsan in Liverpool ay kor u qaaday CL sababtoo ah saddex ciyaartoy sida uu ku dooday Mellor.
Neil Mellor ayaa sheegaya in Coutinho uusan ku faraxsanayn in kooxdiisa laga saaray tartanka balse uu ku faraxsan yahay in asxaabtiisa ree Brazil ee Roberto Firmino, Alisson Becker iyo Fabinho ay tartankaas soo hanteen.
“Taasi isaga ayay su’aan u noqon doontaa” Ayuu yidhi Mellor mar ay shabakadda americangambler.com weydiisay haddii Coutinho uu ku faraxsan yahay hanashada Liverpool ee CL.
“Laakiin waxaan filayaa inuu u faraxsanaan doono Alisson, Fabinho iyo xiddigaha ay Brazil kasoo wada jeedaan laga yaabaa inuusan sidaas ugu faraxsanayn in kooxdiisa lagaga saaray afar dhammaadka qaabkii looga saaray”
Coutinho ayaa kaddib ku biiristiisii Barcelona sheegay in sababta uu halkaas u tagay ay tahay ku guuleysiga Champions League balse riyadiisa ayaan wali rumoobin.