Phillips oo tilmaamay sabab xiiso leh ee uu Man City uga doorbiday Man United

0
170

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga da’da yar ee reer England ee Kalvin Phillips ayaa ka hadlay sababta uu u doorbiday in uu u dhaqaaqo kooxdiisa haatan ee Manchester City intii uu u wareegi lahaa kooxda ay dariska yihiin ee Manchester United.

Kalvin Phillips oo 26 jir ah, ayaa Manchester City kaga soo dhaqaaqay Leeds United heshiis dhacaya June 2028.

Phillips ayaa tilmaamay in daacadnimadiisii ​​hore ee Leeds ay kahor istaagtay inuu ku biiro Manchester United, isaga oo tilmaamay xafiiltanka taariikhiga ah ee labada kooxood.

Sida laga soo xigtay wargeyska Manchester Evening News, Kalvin Phillips ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“U dhaqaaqista Manchester United? marna ma jirin fursad aan halkaas ku aado, waad ogtahay sida aan Leeds daacad ugu ahay, dhamaan qoyskeygana waa taageerayaasha Leeds.”

“Waxaa sharaf ii ah rabitaanka Man United ee ah in ay ila soo wareegto, tani waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka, laakiin waa inaan sii wado daacadnimadayda Leeds oo aan aado dhanka kale ee Manchester.”

“Waxaan rabaa in aan daacad u noqdo dadka i siiyay fursadda ugu weyn adduunka.”

“Waxaan doonayay inaan halkaan imaado oo aan isku muujiyo kana hor immaado ciyaartoyda ugu fiican adduunka.