Pique oo shaaca ka qaaday sababta uu si lama filaan ah uga fariistay kubadda cagta

0
128

Baladweyne (Radio Beerlula)- Gerard Pique oo ahaa daaficii hore ee Barcelona ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaarista kubadda cagta bishaan November. Isagoo aan sugi illaa iyo dhammaadka xilli ciyaareedka.

Sida uu soo xigtay wargeyska “Sport” ee dalka Spain Gerard Pique ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waxaa jira sababo badan, dadkuna waxay hore u ogaayeen in bilowgii xilli ciyaareedka aan kulan la qaatay tababare Xavi Hernandez kaasoo ii sheegay inay igu adkaan doonto inaan ciyaaro kulan kasta.”

“Dareenka bilowgii hore ma ahayn kii ugu fiicnaa guud ahaan, waxaana u arkay hakadka fursad aan ku qaadan karo go’aankaas, Weligay waxaan dhihi jiray marka aan arko inaan muhiim ahayn, waan baxayaa. haddii aanay dhaawac ka jirin booskayga, waan bixi lahaa kahor bishan November.”

“Ma dareemayo sidii aan ahaan jiray, oo waxaan arkay inaan boos heysan, oo aan ciyaarayo kaliya marka ay dhaawacyo ka jiraan safka daafaaca, waxaan go’aansaday inaan sii joogo ilaa laga gaarayo fasaxa koobka adduunka.”

“Wixii ka dhacay sagootintii Camp Nou waxa ay ii aheyd wax cajiib ah, waxaana ogaaday sida ay taageerayaasha ii qadarinayaan, laakiin ma ahan macsalaamayn sababtoo ah waxaan sii wadi doonaa inaan la xiriiro kooxda.”