Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kurdiyiinta Turkiga ayaa rajeynaya in hoggaamiyahooda xabsiga ku jira uu dhowaan ku dhawaaqo xabbad-joojin, taasi oo soo afjaraysa dagaal muddo tobannaan sano ah u dhexeeyay fallaagada Kurdiyiinta iyo dowladda Turkiga.
Laakiin Madaxweynaha Turkiga ayaan caddaynin shuruudaha uu isagu diyaarka u yahay in uu aqbalo.
Talaadan ayaa loo arka mid lagu soo afjarayo colaad muddo dheer u dhaxeysay turkiga iyo kooxdan.
Qorshan ayaa hadii uu hirgelo meesha ka saari doona weeraradii kooxdan PKK ay ka geysan jirtay dalka Turkiga.