Baladweyne (Radio Beerlula)-Mauricio Pochettino ayaa ugu cadcad inuu noqdo tababaraha cusub ee Man United labo sannadood ka dib markii uu shaqadaan seegay.
Pochettino ayaa si afgarad leh uga tagay Chelsea iyadoo milkiilaha Man United Sir Jim Ratcliffe uu diyaar u yahay inuu la hadlo tababarihii hore ee Tottenham si uu shaqada Old Trafford uga bedelo Erik ten Hag.
52 jirkaan reer Argentina ayaa tartan kula jiray Ten Hag bishii April 2022 isagoo doonayay inuu noqdo tababaraha United, wuxuuna waqtigaas ka tagayay PSG.
Agaasimayaasha Man United Richard Arnold iyo John Murtough ayaa waqtigaas wadahadal la yeeshay Pochettino.
Laakiin ugu danbeyn waxay la dhaceen aqoonta uu Ten Hag u leeyahay United iyo fekradihiisa uu kooxda dib ugu soo celin karo waayaheedii guulaha.
Tababaraha reer Holland ayaana sidaas sameeyay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay iyadoo Man United ay ku dhameysatay kaalinta seddexaad islamarkaana ay ku guuleysatay Carabao Cup.
Laakiin xilli ciyaareedkan waxaa xumaaday wax walba oo xumaan karay iyadoo Man United ay ku dhameysatay kaalinta 8aad ee Premier League halka ay wareega guruubyada uga hareen Champions League.
United ayaa weli heysata fursad ay koob ku qaado iyadoo Sabtidaan finalka FA Cup la ciyaareysa deriskooda Manchester United.
Laakiin xitaa haddii ay ku guuleystaan FA Cup, Ten Hag waxa uu waayi doonaa shaqadiisa xagaagan.
Milkiile Ratcliffe oo isbuucaan wareysi siiyay Sky Sports ayaa mar kale diiday inuu codka kalsoonida siiyo tababare Erik ten Hag taasoo cadeyneysa inuusan dooneynin inuu kooxda sii joogo.
Madaama Chelsea ay si lama filaan ah ay u kala tageen Pochettino, Ratceliffe ayaa durba u dhaqaaqaya tababaraha reer Argentina oo markii hore ay Man United xiiso u qabtay.