Pogba oo kala dooranaya saddex dalab oo waaweyn

0
143

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga xulka qaranka France ee Paul Pogba ayaa kala dooranaya saddex dalab oo waaweyn kaddib markii uu ka tagay kooxda Man United.

Shabakada caanka ah ee Sky Sports ayaa shaaca ka qaaday in Pogba uu haatan heysto saddex dalab, oo kaga yimid kooxaha Juventus, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in 29-jirka reer France uu fasaxiisa ku qaadanayo dalka Mareykanka, uuna isku dayi doono inuu muddadan u adeegsado go’aankiisa ugu dambeeya.

Warbixintan ayaa lagu xusay in ugu horreyn Pogba uu diirada saari doono kubadda cagta oo kaliya, kaddib markii uu la soo qaatay kooxda Manchester United xilli ciyaareed niyad-jab ah.

Kooxda reer England ee Manchester United ayaa ku dhawaaqday inuu ka tagayo Pogba, iyadoo la tixgelinayo inuu dhacayo qandaraaskiisa 30-ka June.