Pogba oo loogu baaqay inuu ixtiraamo kooxdiisa

0
303

Baladweyne(Radio Beerlula)- Halyeeyga Manchester United Bryan Robson ayaa ugu baaqay xiddiga reer France ee Paul Pogba inuu ixtiraamo kooxda, islamarkaana uusan si joogta ah uga doodin mustaqbalkiisa xitaa hadii uu doonayo inuu u dhaqaaqo Real Madrid.

Pogpa ayaa sheegay in ka badan hal jeer inuu ku fikirayo tijaabinta loolan cusub, halka sidoo kale wakiilkiisa Mino Raiola uu xaqiijiyay in xiddiga uu dalaalka ka yahay doonayo ka tagista garoonka Old Trafford.

Real Madrid ayaa ah kooxda ugu cadcad ee xiiseeneysa inay hesho adeega Paul Pogba, laakiin kooxda Manchester United ayaa iska diiday in Pogba ay ku fasaxdo qiimo ka yar 200 milyan oo euros.

Hadaba laacibkii hore kooxda Red Devils ee Bryan Robson ayaa aaminsan in marka loo fiiriyo hab dhaqanka Pogba uusan ahayn xirfadle dhameystiran, wuxuuna ugu baaqay inuu diirada saaro tababarada kooxda, isla markaana uu ixtiraamo qandaraaska uu kula jiro Naadiga, ilaa go’aan kama dambeys ah laga gaaro mustaqbalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here