Pogba oo shaaca ka qaaday sababta uu u doortay ku laabashada Juventus

0
152

Baladweyne (Radio Beerlula)-Paul Pogba ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto kooxda Juventus, isagoo rajo ka qaba inuu markale la shaqeeyo tababare Massimiliano Allegri, wuxuuna sidoo kale ka hadlay sababihii uu u doortay inuu mar kale ku laabto Bianconeri.

Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddiga reer France ee Paul Pogba, iyadoo ku heshay beeca xurta ah, kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa Manchester United.

Xiddiga reer France oo ku soo laabtay Juve kana yimid Manchester United ayaa yiri:

“Waxaan aaminsanahay qaddarka, waana ku faraxsanahay dhammaan xulashooyinka aan sameeyay, tani waa nolosha, waana ku faraxsanahay inaan soo laabto, qof walbana mar kale ayuu i soo dhaweynayaa.”

“Allegri waan la hadlay markii aan joogay United, waana la hadlay ka hor inta aanan halkaan imaan… Dhowr sano oo muhiim ah ayaan kula soo qaatay Turin, waxaana u maleynayaa inay tahay waqtigii saxda ahaa ee aan la joogi lahaa qofka saxda ah.”

“Waxa jiray kooxo qaarkood xiisaynayeen in ay ila soo saxiixdaan, laakiin waxa aan doortay Juventus sababta oo ah qalbigaygu waxa uu ii sheegay in ay tani tahay meeshii saxda ahayd, mana sugi karo in aan dib u bilaabo oo aan kooxda ka caawiyo in ay horumar samayso.”

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaa 6 sano ku qaatay Old Trafford, waxaana uu dhaliyay 39 gool, 233 kulan uu u saftay Red Devils, kahor inta uusan go’aansan inuu markale dib ugu laabto Juve oo uu kula soo guuleystay afar jeer horyaalka Talyaaniga, isla markaana ay si wadajir ah u gaareen finalka Champions League sanadkii 2015.