Premier League Oo Isbeddel Ku Sameeyey Waqtiga Kulamada Arsenal vs Man City, Man United vs Man City Iyo 15 Ciyaarood Oo Kale

0
81

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa shaaciyey isbeddello uu ku sameeyey 17 ciyaarood oo si weyn loo sugayo oo ay ku jiraana Manchester City vs Manchester United iyo Arsenal vs Man City, kuwaas oo natiijooyinka kasoo baxa ay waqti horeba isbeddel keenayaan.

Manchester Derby oo noqonaysa imtixaanka ugu adag ee tababare Erik ten Hag uu mari doono oo uu ka hor tegayo Manchester City iyo tababare Pep Guardiola ayaa uu isbeddelkani saamayn doonaa, sidoo kalena Mikel Arteta iyo Pep Guardiola ayaa kulankooda xafiiltanku ku ladhan yahay uu ku jiraa isbeddelka.

Kulanka ay Manchester City safarka ku tegayso Emirates Stadium maalinta ay taariikhdu tahay October 8 ayaa bilaabmi doona marka ay saacadda UK tahay 4.30pm, halka ciyaarta kale ee adag ee uu baahinayo telefishanka Sky Sports ee Manchester Derby laga dhigay in ay bilaabanto 3:30pm waqtiga uk.

Manchester United ayaa xaqiijisay in jadwalka ay ka heshiiyeen laabada kooxood, baahiyeyaasha telefishanka Sky Spords iyo masuuliyiinta labada kooxood.

Waxa kale oo isbeddel lagu sameeyey oo hore loosoo dhigay ciyaarta Merseyside Derby ee October 21 ay ku ballansan yihiin Liverpool iyo Everton ee uu baahinayo telefishanka TNT Sports, taas oo hore ugu qorshaysnayd 3pm balse hadda laga dhigay 12.30pm waqtiga UK.

Kulamo kale oo ay ciyaarayaan kooxaha Liverpool, West Ham iyo Brighton ayaa iyagana waqtiyadooda la beddelay sababtoo ah waxa  ay ciyaarayaan tartanka Europa League oo maalin Khamiis ah la dheelayo, taas oo meesha ka saaraysa kulamoodii Jimceyaasha ama Sabtiyada.

Halkan kaga bogo kulamada isbeddelka lagus ameeyey waqtiga la ciyaarayo

Luton vs Tottenham, October 7, 12.30pm (TNT Sports)

Crystal Palace vs Nottingham Forest, October 7, 5.30pm (Sky Sports)

Brighton vs Liverpool, October 8, 2pm (Sky Sports)

West Ham vs Newcastle, October 8, 2pm *

Arsenal vs Manchester City, October 8, 4.30pm (Sky Sports)

Liverpool vs Everton, October 21, 12.30pm (TNT Sports)

Chelsea vs Arsenal, October 21, 5.30pm (Sky Sports)

Sheffield United vs Manchester United, October 22, 2pm (Sky Sports)

Aston Villa vs West Ham, October 22, 4.30pm (Sky Sports)

Tottenham vs Fulham, October 23, 8pm (Sky Sports)

Crystal Palace vs Tottenham, October 27, 8pm (Sky Sports)

Chelsea vs Brentford, October 28, 12.30pm (TNT Sports)

Wolves vs Newcastle, October 28, 5.30pm (Sky Sports)

West Ham vs Everton, October 29, 1pm (Sky Sports)

Brighton vs Fulham, October 29, 2pm *

Liverpool vs Nottingham Forest, October 29, 2pm *

Manchester United vs Manchester City, October 29, 3.30pm (Sky Sports)