Premier League Oo Ugu Dambeyn Shaacisay Taariikhda Hirgelinta Farsamada Offside-ka Ee Sida Tooska Ah U Shaqeysa

0
56

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay in farsamada casriga ah ee offside-ka la hirgelin doono bishan Abriil.

Qorshaha lagu keenayo farsamadan ayaa la shaaciyay hal sano ka hor, kaddib markii dhammaan kooxaha horyaalka ay u codeeyeen in la hirgeliyo. Waxa ay horey tijaabo ugu martay FA Cup bishii hore, gaar ahaan kulamadii wareegga shanaad.

Farsamadan casriga ah ayaa horey loogu adeegsaday koobka adduunka ee ragga iyo dumarka, iyo sidoo kale Champions League, balse haatan waxaa si rasmi ah loogu oggolaaday Premier League.

Warsaxaafadeed kasoo baxay horyaalka ayaa lagu yiri:
“Premier League waxa uu hirgelin doonaa farsamada casriga ah ee offside-yada lagu fiiriyo Sabtida 12-ka Abriil (Match Round 32). Tani waxay timid kadib tijaabooyin aan toos ahayn oo laga sameeyay Premier League iyo tijaabo toos ah oo laga sameeyay FA Cup xilli-ciyaareedkan.”

“Farsamadan waxay si otomaatig ah u sahmisaa qeybaha ugu muhiimsan ee go’aan ka gaarista offside-ka si ay gacan uga geysato shaqada garsooraha caawiyaha ee VAR.”

“Waxay bixisaa go’aan sax ah oo degdeg ah, iyadoo adeegsata tiknoolajiyadda raacaysa dhaqaaqa ciyaartoyda (optical player tracking), waxayna soo saartaa sawirro dijitaal ah oo si fudud loola socon karo, si ay waayo-aragnimo wanaagsan ugu noqoto taageerayaasha gudaha garoonka iyo kuwa TV-yada ka daawanaya.”

“Tiknoolajiyadan waxay ilaalinaysaa hufnaanta go’aan gaarista, waxayna wanaajineysaa xawaaraha, saxnaanta, iyo isku-dhafka go’aanada offside-ka.”

Horyaalka Premier League, PGMOL iyo shirkadda tiknoolajiyadda ciyaaraha Genius Sports ayaa iska kaashaday si loo horumariyo nidaamkan casriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here