Premier League Oo War-saxaafadeed Kasoo Saaray Garsoorihii Feedhay Andy Robertson

0
139

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Andy Robertson ayaa gadhka is-qabtay markii uu ku dhacay jiqilka calan-wadaha ciyaartaas ee Constantine Hatzidakis, waxaana kusoo xoomay ciyaartoyda kale ee Liverpool oo la dooday garsoorahha dhexe ee ciyarta ee Paul Tierney.

Muuqaallo laga duubay dhacdadan ayaa muujinaya Constantine Hatzidakis oo gacantiisu gadhka kaga dhacayso Andy Robertson, waxaanay war-saxaafadeed kasoo saaray xidhiidhka garsooreyaasha Premier League oo xaqiijiyey inay baadhitaan ku samayn doonaan dhacdadan.

War-saxafadeedka garsoorka Premier League ee magaciisa loosoo gaabiyo PGMOL, ayaa lagu yidhi: “PGMOL waxa uu ka war hayaa dhacdadii u dhaxaysay garsoore Constantine Hatzidakis iyo difaaca Liverpool ee Andrew Robertson waqtigii nashada ee ciyaartii Liverpool vs Arsenal ee Anfield. Baadhitaan buuxa ayaanu ku samayn doonaa.”

Calanwade Constantine Hatzidakis ayaa waxa uu ku socday dhinaca garsoore Paul Tierney markii uu yeedhiyey siidhiga dhamaadka isaga oo haya kubadda. Difaaca LIverpool ee Robertson ayaa isku dayay inuu u yimaaddo calanwadaha si uu wax ugu sheego, laakiin Hatzidakis ayaa si cadho leh uga falceliyey oo gacantiisa dib u gundhiyey, waxaanay kaga dhacday gadhka.

Andy Robertson ayaa ka cadhooday arrintan oo ku qayliyey garsooraha, halka Diogo Jota iyo kabtan Jordan Henderson ay iyaguna ku gadoodeen Htzidakis iyo Tienry oo ay weydiiyeen waxa uu sameeyey.