PSG oo heshiis cusub waqti dheer ah ka saxiixatay mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan

0
591

Baladweyne (Radio Beerlula)- Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah u shaacisay inay heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixatay xiddigeeda khadka dhexe ee reer Talyaani Marco Verratti.

Kooxda PSG ayaa boggeeda rasmiga ah ee Twitter-ka waxay ku shaacisay in Marco Verratti uu saxiixay heshiis mudo 5 sano ah ku sii heyn doono garoonka Parc des Princes, kaasoo gaaraya ilaa iyo 2024-ka.

Warar horudhac ah ayaa waxay sheegayeen in kooxda PSG ay ogolaatay inay labalaabto mushaharka Marco Verratti , si uu halkii xilli ciyaareed u qaato adduun dhan 12 milyan euro.

Verratti ayaa ku soo biiray safka kooxda reer France sanadkii 2012, isaga oo kaga soo biiray naadiga reer Talyaani ee Pescara, waxaana uu tan iyo xilligaas u saftay PSG ku dhawaad 300 kulan, wuxuuna la qaaday lix jeer horyaarla France Ligue 1.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here