PSG Oo Qarka U Saaran Saxeexeedii Koowaad Kaddib Bixitaankii Kylian Mbappe

0
84

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain  ayaa qarka u saaran dhamaystirka saxeex weyn kaddib bixitaankii weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo si xor ah ugu biiray kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Paris Saint-Germain ayaa lumisay kabtankeedii Kylian Mbappe oo soo afjaray toddoba sannadood oo uu joogay Real Madrid, waxaanay suuqa ugu jiraan raadinta ciyaartoygii u beddeli lahaa ee afka hore ay ku aamini lahaayeen.

Tababare Luis Enrique ayaa kala dooranaya ciyaartooyo dhawr ah, balse ka hor waxa ay kooxdu u dhaqaaqday saxeexa goolhayaha reer Russia ee Matvey Safonov oo qalinka ku duugaya heshiis soconaya illaa sannadka 2029, waxaanu sidaas ku noqonayaa saxeexii koowaad ay ay PSG samayso intii uu ka tegay Kylian Mbappe.

Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa sheegay in PSG ay goolhayahan ka bixin doonto lacag dhan €20 milyan oo Gini, waxaana uu tartan la geli doonaa Gianluigi Donnarumma iyo Arnau Tenas.

Wargeyska L’Equipe ayaa qoray in PSG ay ku wargelisay labadeeda goolhaye ee hore usii joogay Parc des Princes ee Gianluigi Donnarumma iyo Arnau Tenas in aanu jirin ciyaartoy No.1 ah, amaba goolhayaha koowaad ah laakiin la tartami doono oo midkooda ugu fiicnaada uu xulan doono tababaruhu, halkaas oo sida muuqata uu fursad ka heli dooino goolhaye Safonov.