PSG Oo War Rasmi Ah Ka Soo Saartay Xaalada Neymar Iyo Haddii Laga Mamnuucay Tababarka Kooxda

0
290

Baladweyne(Radio Beerlula)- Agaasimaha kooxda Paris Saint-Germain Leonardo ayaa beeniyay wararka soo jeedinaya in weeraryahanka reer Brazil Neymar in laga mamnuucay inuu qeyb ka noqdo kooxda koowaad ee PSG.

Neymar ayaa ka tagay kooxda Barcelona kuna biiray PSG sannadii 2017 isagoo ku baxay lacag rikoorka adduunka ah oo gaareysa 222 milyan euro laakiin waxa uu doonayaa inuu ku laabto Barcelona ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga Yurub xirmin 2da bisha September.

Baahida uu u qabo inuu ka tago kooxda xagaagan ayaa ka careysiisay taageerayaasha Paris Saint-Germain, waxaana caradooda ay ku soo bandhigeen kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka Faransiiska ee ay ka badiyeen kooxda Nimes

Waxay kulankaas ku soo bandhigeen boorar ay ku aflagaadeynayaan xiddiga reer Brazil halka ay sidoo kale ku heesayeen ereyo aflagaado ah oo ka dhan ah Neymar.

Neymar waa uu ka maqnaa kulankaas, kama soo muuqan tababarka kooxda taasoo keentay in la soo jeediyo in laga mamnuucay kooxda koowaad.

Laakiin Leonardo oo ah agaasimaha kooxda ayaa sheegay inay been tahay in laga mamnuucay tababarka kooxda koowaad, waxaana uu sheegay inuu weli qeyb ka yahay qorshaha tababare Thomas Tuchel.

“Waa been abuur. Lagama saarin kooxda.” ayuu Leonardo u sheegay RMC.

“Waxa uu sameynayaa tababar u gooni ah oo uu dhaawac kaga soo kabsanayo. Waa ciyaaryahan Paris Saint-Germain ah, seddex sannadood ayaa uga hartay qandaraaskiisa Paris waa qasab inaynan ilaawin taas.

“Waa qasab inaan wax walba qiimeyno, waa inaan wax walba xalino ka hor inta uusan ciyaarin mar kale.

“Wax walba waa ay fudud yihiin, Neymar waxaa qiimeynaya dhakhaatiir waa weyn, waxaana qaliin ku sameeyay dhakhaatiir waa weyn, dhaawaciisa cagta gabi ahaanba waa uu reystay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here