PSG Oo Xasuuqday Milan, Newcastle Oo Hoygeeda Lagu Garaacay, Yaabkii Ku Dhacay Atletico Iyo Natiijooyinka Kulamadii Champions League

0
69

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa ku tumatay AC Milan oo ay dhax jiid-jiidday Parc des Prince, waxaaay kaga takhalustay 3-0 iyadoo saddex ciyaartoy oo kala duwan ay goolasha qaybsadeen, taas oo u suurtogelisay in ay hoggaanka u qabtaan hormada F oo ay kaalinta ugu hoosaysa u dhacday AC Milan.

Kylian Mbappe ayaa aftax wanaagsan u noqday PSG oo hoggaanka u dhiibay daqiiqaddii 32aad ee qaybta hore, waxaana uu goolkaasi ahaa midka kaliya ee shabaqa taabtay kahor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, hase yeeshee Kolo Muani iyo Kang-in Lee ayaa min hal gool saxeexay qaybta labaad iyadoo Ousmane Dembele uu nasiibku diiday oo laga diiday gool uu dhaliyey, halka Mbappe uu birta garaacay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in PSG ay lix dhibcood ku hoggaaminayso Group F, waxaana kaalinta labaad ku jira Newcastle United oo garoonkeeda ay ku garaacday Borussia Dortmund oo kaga badisay 1-0, iyadoo laba jeer ay biraha garaacday Newcastle oo uu nasiibku diiday.

Newcastle waxay haysataa afar dhibcood, waxaanay isku mid yihiin Borussia Dortmund oo ay kaga horreeyaan farqiga dhibcaha, hase yeeshee waxa uu gabbaal-baas u dumay AC Milan oo laba dhibcood oo kaliya ka urursatay saddex ciyaarood oo ay dheeshay, taas oo ka dhigan in aanay wali wax guul ah gaadhin oo ay kaliya laba jeer barbarreeyeen.

 

Dhinaca kale, Manchester City ayaa guul 3-1 ah kasoo gaadhay Young Boys oo ay marti u ahayd, waxaana laba ka mid ah goolasha dhaliyey Erling Haaland halka midka kalena uu saxeexay Akanji.

Waxa kale oo layaab samaysay Celtic oo barbarro 2-2 ah la gashay Atletico Madrid iyadoo waliba kala hormartay goolasha oo ay kooxda tababare Diego Simeone waqti dambe u dagaallantay in ay barbarro ka hesho ciyaartan.