PSG Oo Xasuuqday Real Madrid Iyadoo Iska Xaadirisay Finalka Koobka Adduunka Ee Kooxaha

0
110

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Paris Saint-Germain ayaa si layaab leh 4–0 ugu garaacday Real Madrid ciyaartii afar-dhamaadka Club World Cup oo ka dhacday MetLife Stadium, New Jersey, fiidnimadii Arbacada, 9-ka Luulyo 2025.

PSG ayaa si xoogan ku bilaabatay ciyaarta, iyadoo saddex gool dhalisay 25-kii daqiiqo ee ugu horreysay. Fabian Ruiz ayaa dhaliyey goolka koowaad daqiiqadii 6aad ka dib qalad uu sameeyay daafaca Real, wuxuuna mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqadii 24aad. Xogaa kadib, Ousmane Dembélé ayaa helay hadiyad kale oo qalad ah, isagoo goolka labaad dhaliyey daqiiqadii 9aad.

Goolka afaraad ayaa yimid qeybta labaad markii Gonzalo Ramos oo beddel kusoo galay uu soo gebagabeeyay xisaabta PSG.

Difaaca Real Madrid ayaa lagu tilmaamay “musiibo” iyadoo khaladaad ay galeen ciyaartoyda ay ka mid yihiin Raúl Asencio iyo Antonio Rüdiger ay sababeen goolal fudud. Tababaraha PSG, Luis Enrique, ayaa amaanay kooxdiisa oo uu ku tilmaamay “mid xamaasad iyo ka faa’iideysi ku muujisay fursad walba oo ay heshay.”

PSG ayaa haatan la ciyaari doonta Chelsea Axadda, iyagoo doonaya inay dhameystiraan xilli ciyaareed taariikhi ah oo afar koob ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here