Putin oo Trump ka diiday baaq uu u soo jeediyay oo dagaalka Ukraine la xiriira

0
191

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin ayaa telefoonka ku wada hadlay, wadahadalkaas oo socday ku dhowaad laba saacadood.

Intii ay wada hadlayeen labada hogaamiye, Trump uu baaq u soo jeediyay Putin, kaas oo la xirriira dagaalka Ukraine.

Waxaa uu diiday Putin baaq ah, in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka Ukraine, oo labada dhinacba ogolaadaan xabad joojin buuxda.
Putin waxaa uu keliya ogolaaday, inuu muddo 30 maalmood ah hakinayo weerarada ay ku beegsato xarumaha tamarta ee dalka Ukraine.

Waxaa uu sidoo kale diiday inuu saxiixo heshiis xabad joojin muddo dheer socota, kaas oo kooxda Trump ay dhawaan kala shaqeeyeen Ukraine, ka dib kulan ka dhacay Sacuudiga.

Putin waxaa uu Trump u sheegay in Moscow ay joojin doonto beegsiga xarumaha tamarta ee dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in kaabayaasha dalkiisa Ukraine lala eegtay weerar ballaaran oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here