Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaanaadka Dugsiyada Dhaxe ee Gobolka Banaadir.
Imtixaankaan dugsiga dhexe oo ay sanad waliba ay qaado Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa waxa sanadkaan u fariisatay 31,688-Arday oo isugu jira 17,751-Lab iyo 13,937-Dheddig kuwaas oo ka kala socday 76 xarumood oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.
Warbixintaan waxa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.