Qaar ka mid ah bulshada Baladweyne oo su’aallo weydiyay guddoomiyaha baarlamanka Hirshabeelle

0
330

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhalinyaro iyo aqoonyahanno ku nool magaalada Baladweyne ayaa  su’aallo weydiyay guddoomiyaha baarlamanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Dood wadaagan oo ay soo qaban qaabisay madasha Hiil  islamarkana lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne ayaa inta badan su’aallaha ay ku taxaluqeen arrimo la xiriira howlaha uu barlamanka Hirshabeelle uu hayo bulshada, sidoo kale xubnaha ka qeyb galay dood wadaagan ayaa gudoomiyaha baarlamanka Hirshabeelle weydiyay sababta gobolka shabeellaha dhexe uu ku noqday todobo degmo islamarkana gobolka Hiiraan ku koobtay shan degmo.

Guddoomiyaha baarlamanka Hirshabeelle sheikh Cismaan Barre Maxamed ayaa inta badan su’allaha uga jawaabay xubnaha ka madasha ku sugnaa.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here