Qabuuro Casri ah oo laga dhisay dalka Masar oo muran badan dhaliyay.

0
120

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Mid ka mid ah shirkadaha dhulka iibiya ee ugu waaweyn dalka Masar ayaa muran baahsan ka dhex dhalisay baraha bulshada, ka dib markii ay ku dhawaaqday inay hayso dhul qabuuro loogu talogalay oo u dhow caasimadda dalka Masar ee Qaahira taas oo lagu iibinayo lacag dhan 50 kun oo doollar.

Shirkadda ayaa xayaysiiskeeda ku shaacisay in qabuurahan ay yihiin kuwo qoysaska iyo dadka ehelka ah loo qorsheeyay in lagu duugo .

Qabuuraha oo ku fadhiya dhul cabbirkiisu gaarayo ilaa 40 mitir oo labo jibbaaran, ayay shirkaddu tilmaantay in lagu aasi karo ilaa 8siddeed qof oo jira rag iyo dumar.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in xabaalahan ay leeyihiin adeegyo muhiim ah sida masjid lagula tukado salaadda janaasada, goob lagu dhaqo meydka , kaamirooyin qabriga lagu ilaaliyo, aayado Qur’aan ah oo qabriga lagu qorayo iyo baakinno la dhigan karo gawaarida dadka meydka aasaya.

Dadka isticmaala baraha bulshada, culimada iyo guud ahaan dadweynaha dalkaasi ayaa si weyn uga dooday soo badhigidda shirkadda qabuuraha iibka, ayaga oo sheegay in aysan macquul ahayn in dadka dhintay laga iibiyo halkii lagu aasi lahaa.