Qalalaasihii Suudaan oo heshiis laga gaaray

0
289

Baladweyne(Radio Beerlula)- Golaha milatariga iyo kooxaha isbedel doonka Suudaan ayaa isku afgartay in la dhiso dowlad awood qeybsi ah  oo ka kooban milatariga iyo rayidka si loo soo afjaro dibadbaxyo in muddo ah ka socday dalka Suudaan kuwaasoo galaftay nolosha dad badan.

Heshiiska cusub waxaa garabka Milatariga u saxiixay Maxamed Hemeti iyo janaraal kale oo lagu magacaabo Abdel Fattah Abdelrahman Burhan, halka Ahmed al-Rabie uu dhanka kale saxiixay isagoo matalaya isbahaysiga isbaddalka iyo xornimada raadinaya, oo ah mudaharaadeyaasha dimuqdaaddi doonka ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha gobolka ee goob joogga ka ahaa munaasabadda qalinka loogu duugay heshiiskaas oo maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada Khartuum.

Sida ku xusan heshiiska, gole ka kooban lix mas’uul oo rayid ah iyo 5 ganaraal oo milatari ah ayaa dalka sii maamuli doona ilaa inta laga gaarayo xilliga doorashada.

Labada dhinac ayaa isku raacay inay guddoonka golahan ay isku wareejiyaan muddo 3 sano ah.

Ra’iisul wasaare ay soo xusheen garabka shacabka ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo isbuuca soo socda.

Dibadbaxyo lagu dalbanayay dimuqraaddiyad iyo qalalaase ayaa Sudan ruxayay tan iyo markii bishii Abriil xukunka laga tuuray Cumar Xasan al-Bashir oo muddo dheer madaxweyne ka ahaa dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here