Qaraar hoos loogu dhigayo dhimashada hooyada iyo dhalanka oo lagu ansixiyay shirka caafimaadka ee Geneva.

0
125

Baladwayne (Radio Beerlula )-Shirweynaha Caafimaadka Adduunka ee ka socda magaalada Geneva, Switzerland ayaa ansixiyey qaraar ay kasoo shaqaysay dawladda Soomaaliya oo ay sidoo kale iskaashi kala samaysay in ka badan 20 dawladood oo ugu baaqaya waddamada caalamka inay siweyn dhimaan dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

Caalamka waxaa sannakdii ku dhinta 287,000 oo haween ah xilliga ay uurka leeyihiin ama xilliga dhalmada, halka ay dhintaan 4 milyan iyo 900 kun oo dhallaan ah oo da’oodu ka yartahay shan sano sannadkii.

Warkan waxaa inooo haya Cumar Yuusuf Aadan.