Baladweyne(Radio Beerlula)- Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutteres, ayaa ku baaqay in ay lama huraan tahay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weeraradii lagu qaaday marakiibta..
Ururka ugu weyn ee ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha maraakiibta caalamka ee BIMCO, ayaa ka digay xaaladda ka sii daraysa ee marinka Hormuz iyo Khaliijka Carabta kadib weerarradii ugu dambeeyay ee halkaa lagula beegsaday maraakiibta shidaalka.
Madaxa ammaanka badaha ee ururkaasi, Jakob Larsen, ayaa sheegay in xiisaadda ay hadda gaartay meeshii ugu saraysay iyadoo aanu dhicin wax dagaal ah.
Laba markab ayaa Khamiistii lagu qarxiyay marinka Hormuz, waxaana halka lagu beegsaday ay qiyaastii 46 kilommitir koonfur uga beegan tahay xeebaha Iran.
Xukuumadda Washington ayaa ku eedeeysay Iran inay ka dambeysay qarxayadaasi, iyadoo ciidanka badda ee Maraykanka uu faafiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo xooggaga sida gaarka ah u tababaran ee Iran oo miino badeed aan qarxin ka fujinaya mid kamid ah maraakiibta.