Qaramada Midoobay oo dalbatay in la ilaaliyo shaqaalaheeda Gaza

0
21

Baladwayne ( Radio Beerlula )–Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Israa’iil inay joojinayaan hawlaha gargaarka ee guud ahaan Gaza, haddii aan la qaadin tillaabooyin degdeg ah oo si wanaagsan looga ilaalinayo shaqaalaha binii’adan-nimada.

Saraakiisha Qaramada Midoobay iyo saraakiil ayaa wada xaajood looga gon lee yahay sidii loo ilaalin lahaa badqabka shaqaalaha u shaqeeya qaramada midoobay ee ka howlgala Gaza.

Dagaalkan ka socda Gaza oo socday siddeed bilood ayaa inta badan waxa uu jaray isu gudubkii cuntada,daawooyinkii iyo agabka aasaasiga ah ee Gaza,waxaana dadka halkaasi ku dhaqan ay hadda gabi ahaanba ku tiirsan yihiin gargaarka.

Shaqaale ka tirsanaa qaramada midoobay, dad rayid ah iyo saxafiyiin ayaa ku dhimatay weerarada israaiil ka geysto Gaza.